Waxaa xalay la soo gabagabeeyay doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka ee baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya oo uu tartankiisa aad u adkaa kasoo ka qabsoomay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Kursigan oo tirsigiisu yahay 004, ayaa waxa horay ugu fadhin jiray Maxamad Xasan Ibraahim Qoone.
Waxaa kursigan ku tartamay ilaa shan musharrax oo midi dumar tahay, waxaana tartanka kursiga la isla gaaray wareegga labaad oo ay u gudbeen Cabdinasir Xaaji Shirwac oo helay 39 cod iyo Bilan Bile oo heshay 35 cod, waxaana wareeggii koowaad ku haray musharraxiinta kala ahaa Maxamad Maxamuud Cabdulle, Cabdi Daahir Cismaan iyo Faarax Salaad Dharaar.
Wareeggii labaad ee tartanka ayaa waxaa ku guuleystay Cabdinasir Xaaji Shirwac oo helay 61 cod, halka Bilan Bile ay heshay 40 cod, mana jirin wax cod ah oo halaabay.
Doorashada kursigan ayaa noqoneysa middii ugu horreysay ee xilli habeen ah ka qabsoonto magaalada Beledweyne.
Xildhibaanka cusub ee kursigan ku guuleystay ayaa horay uga soo mid noqday Baarlamaankii dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan ee lagu soo dhisay magaalada Carta ee dalka Jabuuti, waxaana wixii xilligaasi ka dambeeyay ku fadhiyay Maxamad Xasan Qoone oo dhawaan sheegay inuu ka tanaasulay u tartamida kursigan.