Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha ee dalka Moses Kuria ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay inay wasaaradaheeda kala duwan fursad siman ka siiso ardayda dhigta xarumaha sare ee waxbarashada ee u baahan aqoon kororsi shaqo.
Kuria ayaa arrintan ka hadlay xilli uu hor tagay aqalka sare.
Waxaa uu sheegay in wasaaradda uu hoggaamiyo ay kaashanaysa guddiga adeegga dadweynaha ee PSC si ardaydan loogu qaabilo nidaam daahfurnaan laga dheehan karo.