KUPPET oo ku talisay in meesha laga saaro dugsiyada hooyga leh

0
603

Ururka macallimiinta dalka ee (KUPPET) ayaa wasaaradda tacliinta u soo jeediyay inuu meesha ka saaro hannaanka dugsiyada leh qaybta hooyga ee ay ardayda seexdaan.
Guddoomiyaha ururka KUPPET Omboka Milemba ayaa sheegay in jirtaanka dugsiyadan ay kaalin ka qaadatay in ardayda ay ku kacaan falal caqabado ku ah habsami u socodka waxbarashada dalka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay in ardayda marka ay casharrada qaataan ka dib ay guriyahooda u hooydaan si waalidku uu ula socdo dhaqdhaqaaqooda.