Ururka macallimiinta dalka ee (KUPPET) ayaa dowladda ugu baaqay inay sida ciidamada militariga oo kale u tababarto oo ayna hub siiso macallimiinta ka howlgalo deegaannada ay ka jirto amni darrada.
Saraakiisha KUPPET ayaa arrinkan ka sheegay ismaamulka Isiolo xilli la qabanayay kulanka golaha guud ee dalladdan ee sanadlaha ah.
Waxaa baaqan soo saaray Edward Obwocha oo ah Xoghayaha qaran ee KUPPET.
Mas’uulkan ayaa xusay in qaar ka mid ah macallimiinta dalka ay ka shaqeeyaan meelo ay dhibaatooyin kala kulmaan iyadoo dhanka kale guddiga adeegga macallimiinta ee TSC uu cadaadis saaro.
Obwocha ayaa sheegay in macallinka uunan isku difaaci karin tabaashiirta ardayda loogu dhigo casharrada marka qofka soo weeraray uu hub sito.
Sidoo kale waxaa uu xusay in haddii macallinka meel uu ka shaqeeya uu uga soo tago cabsi uu ka qabo badqabkiisa awgeed, in aan loo baahnayn in shaqada laga joojiyo taasina ay noqonaysa mid ka baxsan baniaadannimada.
Cod
Waxaa arrinkan soo dhaweeyay oo taageeray Moses Kimwere oo ah Xoghayaha Fulinta ee KUPPET ee ismaamulka Isiolo .
Guddoomiyaha ururkan ee Isiolo ,Gilbert Wafula, ayaa dhankiisa sheegay in macallimiinta u baahan inay naftooda difaacaan ay ka howlgalaan meelo ay ka mid yihiin Bassa, Oldonyiro, Merti, Sericho iyo Garbatula oo hoos tago dowlad deegaankaasi.