Kummanaan qof oo halis ugu jiro duufaanta Byron ee Falastiin ku soo wajahan

0
173

Iyadoo Duufaanta Byron ay soo dhowdahay, ayaa daadad xooggan, dabeylo xooggan iyo roob laga saadaalinayaa guud ahaan dhulka Falastiin, laga bilaabo maanta ilaa fiidkii Jimcaha, sida laga soo xigtay Waaxda Saadaasha Hawada ee Falastiin.
Xafiiska Warbaahinta Dowladda Qaza ayaa ka digay in boqolaal kun oo qof oo ku nool deegaanka ay ku hoydaan teendhooyin jilicsan iyaga oo halis ugu jiro duufaanta iyo roobabka xooggan ee la saadaalinaayo.