Waxaa lagu soo warramayaa in kumanaan qof oo ka mid ah shacabka jasiiradda Taiwan laga daadgureeyay deegaannadii ay ku noolaayeen.
Tani ayaa loo aaneeyay cabsi laga qabo saameyn ba’an oo ka dhalan karto duufaanta Haikui oo la filaya inay Taiwan ku dhufato.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in maanta ay xiran yihiin goobaha ganacsiga .
Maamullada Taiwan ayaa sidoo kale baajiyay boqolaal duullimaadyo ah.
Saraakiisha waaxyaha kala duwan ayaa isku diyaarinaya ka falcelinta duufaantan oo ay u badan tahay in sanadkii afaraad ay saameyso Taiwan.