Kumanaan qof oo ka qaxay Myanmar

0
252

Kumanaan qof ayaa lagu soo warramayaa inay ka qaxeen dalka Myanmar iyagoo u gudbay wadanka dariska ah ee Thailand.
Tani ayaa timid ka dib dagaal dhex maray ciidamada qalabka sida ee Myanmar iyo kooxo hubeysan.
Wargeyska Khaosod ee ka soo baxa gudaha Thailand ayaa qoray in 3,998 qof ay gudbeen xadka Myanmar ay la wadaagto Thailand.
Xaalad siyaasadeed oo aan degganayn ayaa wadanka Myanmar ka taagan tan iyo bishii labaad ee sanadkii 2021-kii xilligaasi oo ciidamada militariga ay afgembiyeen maamulkii Aung San Suu Kyi taasoo sababtay dibadbaxyo waawayn iyo kacdoon shacab oo sii xoogeystay.