Waxaa magaalada Rafah ee Koonfurta dalka Falastiin gaaray kumanaan qof oo ku barakacay weerarrada ay Israa’iil ka gaysanaysa magaalada Khan Younis.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in tirada dadweynaha ay buuxdhaafisay magaaladaasi iyadoo ay dadka qaar habeenkii waddooyinka seexanayaan.
Sidoo kale qaar ka mid ah shacabka Khan Younis ayaa ku jiro xerooyin ciriiri ah oo ay bullaacado saameeyeen.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ugu yaraan 26,257 qof lagu dilay duqeymaha Israa’iil ee Qaza laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore halka la dhaawacay 64,797 ruux oo kale.