Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Ezekiel Machogu ayaa sheegay in kumanaan arday ah ay codsadeen dugsiyo ay yartahay tirada ardayda ee wax ka baran karo.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay in arday gaaraya 153,074 ay codsadeen inay ku biiraan dugsiga sare ee Kabianga oo ku yaalla ismaamulka Kericho in kastoo uu qaado karo keliya 768 arday.
Dugsiga sare ee Nanyuki waxaa loogu talagalay inay wax ka bartaan arday tiro ahaan dhan 576 balse waxaa soo codsaday 148,827 oo arday ah.
Dugsiga sare ee gabdhaha ee Pangani ee magaalada Nairobi waxaa inay ku biiraan codsaday 119,265 in kastoo loogu talagalay keliya 384 arday.
Wasiirka ayaa xusay inay soo baxday in arday badan markii ay xulashada sameynayeen aan sida habboon loola talin.
Waxaa uu sheegay in tani ay micnaheedu tahay in kumanaan arday ah aynan ku biiri doonin dugsiyadii ay ku taamayeen oo ay dantu ku qasbi doonto inay wax ka bartaan dugsiga u soo baxo.
Wasiir Machogu ayaa waalidiinta iyo macallimiinta u soo jeediyay inay xaqiijiyaan in ardayda si wanaagsan loola taliyo marka ay codsanayaan dugsiga sare ee ay doonayaan inay ku biiraan.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in 33,984 oo ah arday wax ka baranayay dugsiyo gaaraya 2,673 inaynan xulan dugsiga sare ee ay u gudbayaan.
Waxaa uu sidaas awgeed agaasimayaasha waxbarashada ee ismaamullada ku amray inay dabagal ku sameyaan dugsiyadan si tallaabo looga qaado maamulayaasha .
Ardayda ku biiraya fasalka koowaad ee dugsiga sare ayaa xarumahan iska xaadirin doono laga billaabo 6-da ilaa 13-ka bisha labaad ee sanadkan.
Cabinet Secretary, @machoguezekieltoday Hon. @machoguezekiel ~The reporting period for all 2023 Form One students will be from 6th February 2023 to 13th February 2023.#FormOnePlacement2023#EducationReforms pic.twitter.com/jB8Wmqi8sb
— EduMinKenya (@EduMinKenya) January 16, 2023




