Kulamo maalmo qaatay ayaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland waxaa uu ku dhexmaray Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku tegay halkaasi iyo Madaxweynaha maamulkaasi Saciid Cabdullaahi Deni.
Kulamada ayaa ilaa iyo hadda wax natiijo ah oo la taaban karo ka soo bixin markii laga reebo qoraal kooban oo habeen ka hor ka soo baxay madaxtooyada Villa Soomaaliya, kaas oo lagu sheegay in ay labada madaxweyne ka wada hadleen xoojinta wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda ee heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Sakariye Maxamad Isticmaar oo ka mid ah dhinacyadii uu Madaxweyne Xasan Sheekh kula kulmay magaalada Garoowe ayaa sheegay in kulamada kaliya ay ahayeen kuwo sigaar ah u dhexmarayay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Deni, islamarkaana laga reebay dhammaan Wasiirradii la socday Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wasiirrada Puntland.
Waxaa uu intaasi ku daray in Arrimo u gaar ah labada Madaxweyne oo ay ka wada hadleen darteed loo ogaan waayay waxyaabihii ay ka wada hadleen, sidoo kalena aysan jiri doonin wax War-saxaafadeed ah oo ay ka soo saari doonaan Kulankooda.
Sakariye ayaa sidoo kale sheegay in labada aysan soo bandhigin wax ajando ah oo ku saabsan kulamadoodii, maadaama aysan jirin khilaaf xilligaan ka dhex-jiray dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedka Puntland.
Marka laga so tago kulamadii ay yeesheen labada mas’uul ayaa warar soo baxaya ay sheegayaan in Puntland ay ka aqbashay Madaxweyne Xasan, in ay martigaliso shir wada-hadal oo ay iskugu imaanayaan Madaxda dowladda Faderaalka iyo maamul gobaleedyada.