Waxaa galinkii dambe ee shalay dalka soo gaaray madax kala duwan oo ka qayb galeysa shirka cimillada Afrika.
Ugu yaraan 20 madaxweyne ayaa maanta ka qayb galaya shirka looga arrinsanaya saameynta isbeddelka cimillada ee qaaradda Afrika oo saaka ka furmay xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi.
Ciidamada booliiska ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka magaalada Nairobi gaar ahaan bartamaha caasimadda dalka ee CBD.
Kulanka arrimaha cimillada ayaa waxaa qayb galaya wufuud dhan 20,000 oo ka socdo daafaha caalamka.
Shirka ayaa socon doona inta u dhexeyso 4-ta ilaa 6-da bishan.
Africa Climate Summit: The Power of the Potential, KICC, Nairobi. https://t.co/l6gcSYwxvg
— State House Kenya (@StateHouseKenya) September 4, 2023
Africa Climate Summit, Nairobi. https://t.co/k0voZJ9ZiG
— State House Kenya (@StateHouseKenya) September 4, 2023