Kulan lagu wanaajinayo adeegyada biyaha ee Mandera oo la qabtay

0
328

Mas’uuliyiinta waaxda dowladda hoose ee ismaamulka Mandera u qaabilsan adeegyada biyaha oo uu hoggaaminayo sarkaalka ugu sarreeya Mr. Aadan Cabdiraxmaan ayaa kulan la qaatay shaqaalaha waaxda biyaha.
Waxaa shirkaasi looga wada hadlay sidii loo wanaajin lahaa adeegyada ay waaxdan u fidiso shacabka ku nool guud ahaan Mandera.
Sidoo kale kulanka ayaa lagu soo hadal qaaday uruurinta dakhliga ka soo xaroodo isticmaalka biyaha iyo isku shaandheynta shaqaalaha waaxda biyaha ee deegaannada ismaamulkaasi.