Kulan ku saabsan amniga oo maanta lagu qaban doono Gobolka Rifty Valley

0
228

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaranka Kipchumba Murkomen ayaa lagu wadaa in uu shir heer sare ah oo dhanka amniga ah uu ku qabto maanta dooxada Kerio .
Hawlgalka Maliza Uhalifu (OMU) oo ay iska akashanayaan ciidamo isku dhaf ah ayaa wali ka socda meelaha ay koxoaha burcadda ah ku sugan yihiin ee waqooyiga Gobolka Rifty Valley.
Hawlgalkaan ayaa la bilaabay sanadkii 2023-kii.
Wasiir Murkomen ayaa xusay in wajigii koowaad ee hawlgalku uu dib u soo celiyay dhaqdhaqaaqii dhaqaalaha, waxaana dib loo furay dugsiyo, isbitaallo, iyo kaabayaasha muhiimka ah ee gobolka oo dhan.
Xarunta cusub ee taliska Kirimon ayaa qeyb ka ah dadaaladii ugu dambeeyay ee ay dowladdu ku dooneysay in ay ku xoojiso howlgallada ka dhanka ah burcadda.
Muhiimadda ugu weyn ee kulanka ayaa noqon doonta dib u habeynta ciidamada Booliska Qaranka si loo xoojiyo ahlwgalada ka dhanka ah koxoaha burcadda.