Waxaa uu qorshuhu yahay in kulanka amni ee loogu magacdaray Jukwaa la Usalama lagu qabto caasimadda dalka ee Nairobi.
Fadhiyadan ayaa horay uga qabsoomay 46-da kale ee dowlad deegaannada Kenya.
Shirarkan oo uu hoggaaminaya wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Mr. Kipchumba Murkomen ayaa la doonaya in lagu xalliyo caqabadaha dhanka amniga ee jira.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ujeeddadu ay tahay in la dhageysto dadweynaha si loo helo qaabka ugu wanaagsan ee wax looga qaban karo tabashooyinka dhanka amniga ee ay qabaan.
Sida ku cad jadwalka ay soo saartay wasaaradda , Murkomen ayaa la kulmi doono barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja.
Sidoo kale, waxaa la diiwaangelin doonaa dadka u baahan aqoonsiga qaran ee kibaandhaha ee Nairobi.
Diiwaangelintan ayaa laga sameynaya xarunta qaran ee waaxda dad dhigista ee NRB ee dhismaha NSSF.
Intaasi ka dib, wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Mr. Kipchumba Murkomen ayaa marti sharaf ku ahaan doono kulan dadweyne oo ka dhacaya dugsiga dowladda ee KSG ee xaafadda Kabete ee caasimadda dalka.