Waxaa ismaamullada kala duwan ee dalka ka socdo kulamo aqoon isweydaarsi ah oo looga hadlaya xeerka horumarinta dhallinyarada ee la soo saaray sanadkii 2019-kii.
Waxaa shirarkan qabanaysa waaxda arrimaha da’yarta ee dalka.
Kulamada oo soo billowday 14-kii bishan ayaa la soo gabagabeyn doonaa 25-ka June.
Xeerka oo ka kooban 127 bog waxaa ku xusan in dhallinyada ay yihiin xoogga, hantida iyo hormuudka wax soo saarka wadanka sidaas awgeedna ay lagama maarmaan tahay in ay jiraan dadaallo si toos ah loogu horumarinayo noloshooda.
Dowladda ayaa sheegtay in iyada oo nidaamkan la adeegsanaya ay ka go’antahay sidii dhallinyarada ay u heli lahayeen fursado halka xal loo raadinaya caqabadaha ka haysta dhanka wax soo saarka.
Xeerka horumarinta dhallinyarada oo la soo saaray ka dib wada tashi dhinacyo badan ah ayaa looga gol-leeyahay in xooga la saaro sidii loogu abuuri lahaa shaqooyin wanaagsan iyo fursado u noqonaya ilo-dhaqaale.
Nidaamkan ayaa sidoo kale dardargelinaya in da’yarta laga soo dhiso dhanka xirfadaha dijitaalka maadaama ay aad u jecel yihiin arrimaha tiknolojiyadda.
Waxa ay dhaqangelinta xeerkan dhallinyarada ka dhisaysaa dhanka wadaniyadda iyo hoggaaminta ku saleysan horumarka.