Ku xigeenka taliyaha guud ee KDF oo sheegay inuu sii wadi doono waxqabadkii Ogolla

0
277

Ku xigeenka taliyaha guud ee ciidanka militariga dalka Charles Muriu Kahariri ayaa sheegay inuu sii xoojin doono waxqabadkii General Francis Ogolla.
Waxaa uu taliyaha geeriyooday ku tilmaamay shakhsi ay ka go’nayd hoggaaminta KDF.
Kahariri oo lagu wado inuu beddelo Ogolla ayaa sheegay in qaranka uu ka baxay taliye lahaa aragti fog oo waxyaabo badan ku soo kordhiyay howlaha militariga Kenya.
Waxaa uu ku celceliyay in Francis Ogolla uu ciidamada difaaca dalka u hoggaamin jiray si go’aan adayg leh balse cadaalad ah.
Charles Muriu Kahariri ayaa madaxweynaha dalka William Ruto iyo si guud kenyaanka u xaqiijiyay in marnaba aynan ka gaabin doonin xaqiijinta difaaca wadanka.