Ku xigeenka taliyaha guud ee booliiska oo hoggaamin doono howlgallada Rift Valley

0
289

Ku xigeenka taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Nuur Yaroow Gaabow ayaa loo xil saaray hoggaaminta howlgallada amni ee ka dhanka ah burcadda waqooyiga gobolka Rift Valley.
Tallaabadan ayaa looga gol-leeyahay in la isku dubarido taliska waaxyaha amniga ee iskudhafka ah ee ka qayb qaadanaya howlgalka.
Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa laga soo xigtay in Mr.Gaabow uu noqonaya hormuudka howlgalka loogu magacdaray Operation Maliza Uhalifu North Rift ee ay micnaheedu tahay howlgalka ciribtirka falal dambiyeedyada waqooyiga Rift Valley.
Sabtidii la soo dhaafay ayay ahayd markii taliye ku xigeenka ciidanka booliiska dalka uu kulan la qaatay taliyaha guud ee militariga Kenya ,Peter Mbogo Njiru waxayna ka wada hadleen sida saraakiisha booliiska iyo ciidamada difaaca ay si habsami leh u wada fulin karaan howlgalka.
Ismaamullada ay saameeyeen falalka burcadnimo ee isugu jiro dilalka iyo dhaca xoolaha ayaa waxaa ka mid ah Baringo, West Pokot, Turkana, Samburu iyo Elgeyo Marakwet.