Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa saaka xafiiskiisa kulan kula qaatay xoghayeyaasha wasaaradda beeraha iyo isku duwayaasha mashaariicda ay wasaaradda fulinaysa.
Gachagua ayaa xusay in wax soo saarka beeraha uu muhiim u yahay dhaqaalaha wadanka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in maamulka haya talada dalka ee Kenya Kwanza uu xoogga saaraya sidii wax soo saarka beeraha ay kaalin uga qaadan lahayd taageeridda nolol maalmeedka kenyaanka si kobaca dhaqaale looga dhigo mid waara.
Kulanka maanta ayuu ku sheegay inuu ahaa mid wada tashi ah oo lagu qiimeynaya marxaladaha mashaariicda dhanka beeraha iyo dhinacyada u baahan in la sii wanaajiyo.
Waxaa uu madaxweyne ku xigeenka dalka mas’uuliyiinta ku amray inay mashaariicda waafajiyaan qorshaha dhaqaale ee dowladda dhexe.