Ku xigeenka madaxweynaha dalka oo ka hadlay dib u dhaca mushaaraadka shaqaalaha

0
321

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa qiray in dowladda dhexe ay lacag la’aan tahay oo ay culeys kala kulmaysa bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda.
Gachagua ayaa xilli uu ku sugnaa kaniisadda PCEA ee deegaanka hoose ee Ruguru Ward , deegaan baarlamaneedka Mathira ee ismaamulka Nyeri hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay mudnaanta koowaad siinaysa bixinta deymaha lagu leeyahay tanina ay tahay sababta shaqaalaha aynan xilligii loogu talagalay u helin mushaarkooda.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay doorbideen inay marka hore bixiyaan amaahda la qaatay xilligii madaxweyne Uhuru Kenyatta maadaama la gaaray muddadii lagu heshiiyay .
Rigathi Gachagua ayaa sheegay inay dhab tahay in dowladdu aynan u suurtagelin inay ismaamullada ku wareejiso miisaaniyadooda.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa maamulkii hore ee Uhuru Kenyatta ku eedeyay inuu culeys badan ku keenay dhaqaalaha marka la eego qaadashada amaahda.
Hasa ahaate faahfaahin kama uunan bixin waaxyaha howlwadeennada ka shaqeeya aynan weli helin mushaaraadkooda.
Gachagua ayaa intaasi ku daray in dakhligii dowladda soo galay labo toddobaad gudahooda lagu bixiyay amaahda.
Hasa ahaate waxaa uu raja wanaagsan ka muujiyay in shaqaalaha aan weli mushaar qaadan ay lacagaha ka maqan heli doonaan marka ay dowladdu toddobaadkan uruuriso canshuur dheeraad ah.
Waxaa uu sidoo kale difaacay madaxweyne William Ruto oo uu sheegay inuu la wareegay hoggaanka dal uu dhaqaalihiisu aad u hooseeyay balse hadda uu sameynaya wax kasta oo uu awoodo si uu dib ugu soo nooleeyo.
Gachagua ayaa sheegay in kastoo aynan mas’uuliyad saarnayn markii deymaha la qaadanaya haddana inay waajib ku tahay inay bixiyaan maadaama ay yihiin kuwo Kenya lagu leeyahay.