Ku xigeenka madaxa cadaaladda oo ugu baaqaday macallimiinta inay ka fogaadaan kiisaska faraxumaynta carruurta

0
584

Ku xigeenka madaxa cadaaladda ee dalka Philomena Mwilu ayaa ugu baaqday macallimiinta inay ka fogaadaan falalka carruurta ku sugan xarumaha waxbarashada lagu faraxumeeyo.
Waxaa ay sheegtay in waalidiin badan ay ku guuldareysteen inay soo sheegaan dhacdooyin carrurtooda faraxumeyn loogu gaysto.
Garsoore Mwilu ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay in dembiilayaal badan aan cadaaladda la horgeenin, madaama waalidiinta qaar aysan laamaha ammaanka ku wargelin dhacdo carruurtooda lagu dhibaateeyay.
Waxaa ay macallimiinta ku dhiirigelisay in mid ka mid ah haddii u ardayda u gaysto fal meel ka dhac ah ay ku wargeliyaan saldhigga booliska ee u dhow si loo hubiyo in kiis kasta oo faraxumayn ah si adag wax looga qabto.
Sidoo kale waxaa ay ku boorrisay booliska in ay xaqiijiyaan oo ay sameeyaan baaritaanno dhab, si loo maxkamadeeyo dambilayaasha falalka faraxumeynta u gaysto carruurta.