Ku xigeenka madaxa cadaaladda ee dalka oo dalbatay in la soo afjaro carruurta oo lagu shaqeysto

0
197

Ku xigeenka madaxa waaxda cadaaladda ee dalka garsoore Philomena Mwilu ayaa sheegtay ay ka go’an tahay cirib tirka carruurta lagu shaqeysto.
Waxay hoosta ka xarriiqday in ay sidoo kale ku dadaalayaan xoojinta helidda cadaaladda ee ubadka.
Arrintan ayay Mwilu shaaca ka qaaday xilli ay soo xireysay meertada saddexaad ee kulan sanadle ah oo ku saabsan shaqaaleysiinta iyo xiriirka dhanka shaqada oo lagu qabtay Jaamacadda Strathmore University ee magaalada Nairobi.
Waxay tilmaantay in la dagaallanka ku shaqeysiga carruurta ay qayb ka tahay badbaadinta qaybaha nugul ee bulshada iyo xaqiijinta in canug kasta uu fursad u helo waxbarashada.