Ku dhawaad kala bar kenyaanka oo aan ku faraxsanayn jahada manhajka tacliinta

0
344

Cilmi baaris ay sameysay shirkadda darasaadka ee Twaweza ayaa lagu ogaaday in ku dhawaad kala bar shacabka kenyaanka ah aynan ku faraxsanayn halka uu ku socdo manhajka waxbarashada wadanka.
Tirada dadka ee aan nidaamkan u riyaaqin ayaa ah boqolkiiba 48 halka kuwa ku faraxsan ay shirkaddu ku sheegtay boqolkiiba 36.
Waxaa cilmi baarista ka qayb qaatay 3,000 oo qof oo la wareystay intii u dhexeysay 3-dii ilaa 17-kii bishii 11-aad ee sanadkii hore.
Warbixinta shirkadda waxaa ku cad in tobankii qof ee su’aallaha la waydiiyay in afar ka mid ah ay sheegeen inuu wanaagsanaa nidaamkii hore ee tacliinta ee 8-4-4.
James Ciera oo ah hormuudka shirkadda darasaadka ee Twaweza gudaha dalka ayaa sheegay inay wax lagu farxo tahay in shacabka ay fahansan yihiin manhajka cusub ee wadanka laga dhaqangeliyay.