Ku dhawaad 9,700 oo ku dhimatay dhul gariirkii Turkiga iyo Syria

0
262

Waxaa sare u sii kacay khasaaraha nafeed ee ka dhashay dhul gariirkii Isniintii saameeyay waddamada dariska ah ee Turkiga iyo Syria.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay inay dhacdooyinkaasi ku dhinteen in ka badan 9,600. oo qof.
Ugu yaraan 7,108 oo dadkan ka mid ah ayaa ku nafwaayay gudaha dalka Turkiga halka in ka badan 2,530 ay ku dhinteen wadanka Syria.