Ku dhawaad 700,000 oo aqoonsiyo qaran ah oo yaalla gobollada dalka

0
505

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ayaa sheegtay in ay jiraan 683,814 oo ah aqoonsiyo qaran oo dadkii lahaa aynan weli qaadan.
Waxaa warbixintan soo gudbiyay isku duwayaasha dowladda dhexe ku matalo gobollada.
Aqoonsiyada ayaa laga qaadan karaa xarumaha Huduma , xafiiska waaxda qaran ee diiwaangelinta ee NRB iyo xafiisyada saraakiisha maamulka ee dowladda ee NGAO.
Wasaaradda ayaa cid kasta oo codsatay aqoonsiga qaran ee ID-ga balse aan weli helin kula talisay inay la xiriirto goobtii ay iska diiwaangelisay ama xafiiska isku duwaha gobolka.