Warbixinno ay soo saareen qaramada midoobay iyo hay’adaha samafalka ayaa muujinaya in ay sarreyso halista macluusha ee Qaza.
Ugu yaraan 495,000 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa halkaasi ku wajahaya cunno yari.
Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka qaxootiga Falastiin ee UNRWA ayaa dhanka kale sheegtay in carruurta Qaza ay u geeriyoonayaan nafaqo darro iyo fuuq-bax.
Waxay intaasi ku dartay in kastoo gargaarka cunnada iyo biyaha nadiifka ah lagu sido baabuurta xamuulka haddana in la weeraraya dadka sugaya in loo gurmado.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo weerar ay ciidamada Israa’iil ka gaysteen magaalada Khan Younis ee Koonfurta Qaza lagu dilay ugu yaraan 10 qof oo Falastiiniyiin ah.
Sida ku cad warbixinta maamullada caafimaadka ee Qaza,waxaa dadkan ka mid ah ilaallada baabuurta xamuulka ee gargaarka sida.
Tan iyo 7-dii bishii tobnaad ee sanadkii 2023-kii ugu yaraan 37,626 qof ayaa lagu dilay duqeymaha Israa’iil ee Qaza halka la dhaawacay 86,098 kale.