Hay’adda badbaadada carruurta ee Save the Children ayaa sheegtay in tan iyo markii 13-kii bishan dib loo furay dugsiyada wadanka aynan goobaha waxbarashada weli iska xaadirin arday gaaraya 497,783 .
Waxaa arrinkan lagu ogaaday qiimeyn ay si wadajir ah u sameeyeen Hay’adaha Save the Children, UNICEF iyo wasaaradda waxbarashada ee dalka.
In ka badan 3,781 oo fasallo ah iyo musqullo dhan 18,615 ayaa ku burburay daadadkii wadanka saameeyay.
Sidoo kale, waxaa kordhay cudurrada ka dhasha biyaha aan nadiifka ahayn ee saameeya carruurta.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in boqolkiiba 49 ee xanuunnadan ay saameeyeen carruurta ay da’doodu u dhexeyso hal sano ilaa toban sano.
Agaasimaha ku meel gaarka ah ee hay’adda Save the Children u qaabilsan waddamada Kenya iyo Madagascar , Maxamad Cabdilatiif ayaa dowladda ugu baaqay in ay si shuruud la’aan ah carruurta ay qoysaskooda ku barakeceen daadadka ugu oggolaato in ay ku biiraan dugsiyada u dhow.
Sidoo kale wasaaradda caafimaadka ayuu kula taliyay in ay yareyso khatarta dhanka cudurrada ka dhasha nadaaf darrada maadaama ay burbureen kaabayaasha fayadhowrka ee dugsiyada.
Waxaa uu agaasimaha cusub in ay lagama maarmaan tahay xaqiijinta xuquuqda ay carruurta si siman ugu leeyihiin helidda waxbarasho tayo leh.