Dhulgariir xooggan oo cabirkiisa lagu qiyaasay 6.8 ayaa ku dhuftay dalka Morocco sida ay sheegtay waaxda Maraykanka u qaabilsan baaritaannada dhulalka ee (USGS).
Ugu yaraan 632 qof ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay dhinteen halka 329 kalena ay dhaawacmeen, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda ee Morocco.
Dhulgariirka ayaa dhacay wax yar ka dib 11-kii habeenino ee xalay ee wakhtiga maxalliga ah ee wadankaasi.
Xudunta dhulgariirka ayaa la sheegtay inay tahay meel 72 kiilomitiri waqooyi bari kaga beegan magaaalda Marrakesh ee dalka Morocco, sida ay sheegtay USGS.
Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa laga dhex arkayay in dhulgariirka uu ahaa mid muujinaya gariir iyo dad ku yaacay waddooyinka iyo dhismayaasha oo gariiraya.
Dhulgariirka saameeyay Morocco ayaa lagu tilmaanay kii ugu xoogganaa ee muddo qarni ah dalkaasi ka dhaca.