Ku dhawaad 14,000 oo qof oo toddobaad gudihiisa lagu xiray Sacuudiga

0
401

Maamullada ammaanka ee boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa muddo toddobaad ah waxay xabsiyada u taxaabeen 13,939 qof.
Dadkan ayaa ku eedeysan inay jebiyeen xeerarka u degsan amniga xuduudaha , degganaanshaha iyo shaqooyinka.
Dadkan ayaa la xiray intii u dhexeysay 27-kii bishii hore ilaa 2-dii bishan Siddeedaad.
7,894 qof waxaa loo haystaa inaynan ilaalin xeerarka degganaanshaha.
3,839 waxay si sharci darro ah ku gudbeen xuduudaha Sacuudi Carabiya halka 2,206 lala xiriirinaya dembiyo dhanka shaqooyinka ah.
44 qof oo dadka la qabtay ka mid ah waxaa loo haystaa inay isku dayeen inay waddamada dariska la ah Sacuudiga galaan halka 8 ay ku eedeysan yihiin fududeynta socdaalladan.
Marka la eego jinsiyadda , boqolkiiba 41 ee dadka la xiray waxay dhalasho ahaan ka soo jeedaan Yemen , boqolkiiba 58 dalka Itoobiya halka boqolkiiba hal ay waddamo kale u dhasheen.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in cidii lagu helo fududeynta in si sharci darro ah lagu galo wadankaasi xita kuwa tahriibayaasha siiya gaadiidka ama hooyga inay muteysanayaan 15 sano oo xabsi ah ama ganaax lacageed oo dhan 260,000 oo doolar.