Ku dhawaad 13,000 oo qof oo toddobaad gudihiisa COVID-19 ugu geeriyooday Shiinaha

0
303

Dowladda dalka Shiinaha ayaa muddo toddobaad gudaheeda ah diiwaangelisay ku dhawaad 13,000 oo ah dhimasho ka dhalatay cudurka COVID-19.
Kiisaskan ayaa la xaqiijiyay intii u dhexeysay 13-kii ilaa 19-kii bishan.
Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda caafimaadka ee Shiinaha ayaa sheegay in dadka badankoodu uu haleeya cudurka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in wax ka yar labo bilood inay wadanka Shiinaha uu caabuqa corona ku galaaftay nolosha ku dhawaad 60,000 oo ruux.