KQ oo baajisay duulimaadyada Khartoum

0
283

Shirkadda duulimaadyada dalka ee Kenya Airways (KQ) ayaa baajisay duullimaad ay diyaaradaheeda ku tagi lahaayeen caasimadda dalka Suudaan ee Khartoum.
Tani ayaa timid ka dib markii ay shalay halkaasi ka billowdeen iskudhacyo u dhexeya ciidamada militariga iyo ciidanka sida militariga u tababaran ee RSF.
Bayaanka shirkadda waxaa ku cad in go’aankan lagu saleeyay xiisadda Suudaan ka taagan.