Waxaa dalka Bangladesh laga dareemaya koronto la’aan lagu tilmaamay midii ugu darnayd in ka badan toddobo bilood.
Tani ayaa timid ka dib markii ay halkaasi saameysay duufaanta Mocha.
Shacabka oo ka careysan koronto la’aanta haysata bilooyin ayaa guud ahaan wadanka Bangladesh ka dhigay dibadbaxyo.
Sumi Akhter oo ku nool duleedka caasimadda dalkaasi ee Dhaka ayaa sheetgay in nolosha ay aad ugu adkaatay oo ay saacad waliba wajahaan cillad koronto iyadoo ay naadir noqotay in la helo gaaska cunnada lagu karsado.
Zainul Cabidin Farroque oo ka mid ah hoggaamiyaasha sare ee xisbiga mucaaradka Bangladesh ayaa dowladda wadankaasi ku eedeyay inaynan qaadin tallaabooyin adeeggan looga dhigaya mid la isku halleyn karo in kastoo canshuurta la xiriirta ay sii korortay.
Waxaa uu warbaahinta u sheegay inuu ku sugan yahay tuulo 24-kii saacadood ee la soo dhaafay korontada laga isticmaalayay keliya 57 daqiiqo.