Kormeerayaasha doorashada oo su’aal ka keenay sababta warbixinta IEBC loogu gudbiyay Ruto oo kaliya

0
396

Kooxda kormeerka doorashada (ELOG) ayaa su’aal galisay sababta warbixinta guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC loogu gudbiyay kaliya madaxweyne William Ruto.
Bayaan ku taariikhaysan 8-dii bishan May ayaa ELOG waxaa ay walaac kaga muujisay sababta dukumeentiga muhiimka ah aan loogu soo bandhigin dadweynaha, taas oo ilaalinaysa hufnaanta iyo isla xisaabtanka habka xulashada.
Madaxweyne Ruto ayaa 6-dii bishan May ku qaabilay Aqalka Madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi warbixinta guddiga soo xulashada guddoomiyaha iyo xubnaha IEBC ee uu hoggaaminayay Dr. Nelson Makanda, kaddib markii la soo gabagabeeyay hannaan turxaan bixin iyo wareysi ballaaran.
Madaxweyne Ruto ayaa ku bogaadiyay guddiga wax uu ku tilmaamay “shaqo lagu ammaano oo dadaal badan” oo ay ku gudanayaan waajibaadkooda shaqo.