Kooxo hubaysan oo 34 askari ku dilay xadka Niger iyo Maali

0
131

Wasaaradda gaashaandhigga ee dowladda Niger ayaa sheegtay in koox hubaysan, oo mootooyin watay ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada Niger ku leeyihiin meel u dhow xudduudda dalka Maali halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 34 askari halka 14 kalena ay ku dhaawaceen.
Kooxda Dowladda Islaamiga ah ayaa war qoraal ah oo ay soo dhigtay barteeda Telegram Jimcihii ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday saldhigga ciidan.
Niger si la mid ah waddamada kale ee ku yaala Galbeedka Afrika ee gobolka Saaxil, ayaa dagaal kula jira mintidiinta Islaamiga ah ee xiriirka la leh al-Qaacida iyo Dowladda Islaamka.
Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamada ay sameeyeen howlgal cir iyo dhul ah si ay u sugaan ammaanka goobta weerarka kadib iyadhoo aan wax faah faahin dheeraad ah ka bixin.