Kooxda Xamaas oo baaq u dirtay Iran

0
337

Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa ugu baaqay Iran inay ka fogaato beegsiga dalalka dariska ah, iyagoo dhinaca kale ku nuux-nuux saday xaqa ay Jamhuuriyadda Islaamiga ahi u leedahay inay iska difaacdo Israa’iil iyo Maraykanka.
Ururka Xamaas ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay: “Iyadoo ay xoogga saarayso xaqa ay jamhuuriyadda islaamiga ah ee Iran u leedahay inay kaga jawaabto gardarradan hab kasta oo ay heli karto iyadoo lagu saleynayo xeerarka caalamiga ah, wuxuu dhaqdhaqaaqan ugu baaqayaa walaalahooda Iran inay ka fogaadaan inay beegsadaan dalalka dariska ah.”
Tan iyo markii uu billowday dagaalka Mareykanka iyo Israa’iil ay kula jiraan Iran, Tehran waxa ay bartilmaameedsatay dalal badan oo gobolka ah iyo saldhigyada Mareykanka ee dalalkan.