Kooxaha Itoobiya oo ku heshiiyay in lala socdo dhaqangelinta xabbad-joojinta

0
229

Dowladda Itoobiya iyo xoogagga gobolka waqooyi ee Tigray ee TPLF ayaa ku heshiiyay inay soo dhisaan guddi ay u dhan yihiin oo si dhow ula soconaya dhaqangelinta xabbad-joojin horay la isugu afgartay.
Arrintan ayaa looga gol-leeyahay in lagu joogteeyo heshiiska nabadeed ee lagu soo afjaray colaad gobolkaasi ka taagnayd labo sano.
Kooxda dabagalka ayaa xaqiijin doonto in labada dhinacba ay u hoggaansamaan xabbad-joojinta la gaaray bishii 11-aad ee sanadkan.