Gaari nooca loo yaqaano Hilux oo ay leeyihin dad shacab ah islamarkaana u kireysnaa mid ka mid ah hay’adaha maxalliga ah ee ka howlgala ismaamulka Mandera ayaa maanta barqadii laga afduubtay inta u dhexeysa deegaannada Ceelram iyo Falaama ee koonfurta dowlad deeegaankaasi.
Gaariga ayaa xilliga la afduubanayay waxaa saarna darawalka, isagoo deegaanka Falaama u waday tallaalka cudurka Jadeecada.
Dhacadadan ayaa ku soo aadeyso iyadoo berri deegaannada ismaamulka Mandera laga daahfurayo tallaalka cudurka Jadeecada sida uu xaqiijiyay wasiirka wasaaradda caafimadka ee dowlad deegankaasi.
Dhanka kale dadka deegaanka ayaa sheegay in xilligii la afduubanayay gaariga ay saarnaayen darawalka iyo dhakhtar caafimaad.
Sidoo kale guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Mandera Onesmus Kyatha oo xaqiijiyay dhacdadan ayaa sheegay in gaariga iyo darawalki waday la afduubtay.
Waxaa uu tilmaamay in ay wadaan baaritaan.
Deeganka lagu afduubtay baaburka ayaa waxaa u dhow dhanka xadka dalka Soomaaliya.
Bishii hore ayay ahayd markii baabuur nooca gurmadka degdeg ee loo yaqanao Ambalaas laga afduubtay inta u dhexeysa deegaan baarlamaaneedka Lafey iyo magaalada Ceelwaaq ee ismaamulka Mandera.