Waxaa lagu soo warramayaa in labo qof ay ku dhinteen ismaamulka Lamu ka dib markii ay weerar soo qaadday koox looga shakisan yahay Al-Shabaab.
Weerarka oo dhacay aroornimadii hore ee maanta ayaa laga soo tabiyey waddada u dhexeysa Lamu iyo Garsen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ugu yaraan 10 maleeshiyo ah inay sameyeen bar kontorool oo sharci darro ah iyagoo su’aallo waydiinayay gaadiidleyda ka hor inta aynan halkaasi tagin ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano GSU.
Labada dhinac ayaa rasaas culus is waydaarsaday ka hor inta aynan maleeshiyaadka u baxsan dhanka keynta Boni.
Saraakiisha ammaanka ayaa soo badbaadiyay afar qof oo ay ka mid yihiin labo u dhashay Talyaaniga oo ay kooxdu gacanta ku dhigtay.
Meydadka labada qof ee la dilay ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka Mpeketoni halka ciidamada ammaanka ay u raad joogaan maleeshiyaadka.