Koox ka cayaarta horyaalka dalka ee KPL oo Raila ka codsatay inuu baajiyo isku soo bax uu ku baaqay maalinka Axadda

0
359

Kooxda kubbada cagta Gor Mahia ee ka cayaarta horyaalka dalkani Kenya ee KPL ayaa warqad ay hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ay u direen kaga codsadeen in uu dib u dhigo isku soo bax siyaasadeed ee uu qorsheeyay in 29-ka bishan uu ku qabto fagaaraha Jacaranda ee deegaanka Embakasi ee ismaamulka Nairobi.
Codsiga ay naadiga Gor Mahia u dirtay Raila ayay ku doonayaan in taageerayaashooda ay u soo daawasho tagaan kulanka maalinkaasi ay la cayaarayaan kooxda xifaaltanka adag kala dhexeyo ee AFC Leopards.
Waxaa ay kooxda Gor Mahia taageerayaasheeda ugu baaqday inay soo buux dhaafiyeen garoonka Nyayo ee kulanka adag ee kooxdaasi kula cayaareyso naadiga AFC Leopards.
Xoghayaha guud ee kooxda Gor Mahia Samuel Ochola ayaa tilmaamay in kulanka darbiga oo ay la ballansan yihiin naadiga AFC Leopards la cayaari doono isla maalinta uu dhacayo isku soo baxa isbeheysiga Azimio.
Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa maalmo ka hor fagaaraha Kamukunji ka shaaciyay in Axadda soo socoto ee 29-ka bishan ay isku soo bax kale ku qaban doonaan fagaaraha Jacaranda ee deegaanka Embakasi ee magaalada Nairobi.