Waxaa lagu soo warramayaa in xubanaha koox burcad ah oo hubeysan oo wajiyada soo duubtay ay weerar ku qaadeen istuudiyaha warbaahinta dowladda dalka Ecuador ee TC Television ee magaalada Guayaquil.
Waxay weerarka fuliyeen iyagoo adeegsanaya hub iyo waxyaabaha qarxa xilli ay si toos ah u shaqeynayeen kaameerooyinka xaruntaasi warbaahineed.
Waxaa markii dambe gacanta lagu dhigay 13 qof oo falkaasi ka dambeeyay.
Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay dalka Ecuador ka dib weerarro is xig-xiga oo lagu eedeyay kooxo hubeysan.
Isniintii ayay ahayd markii madaxweynaha dalkaasi Daniel Noboa, uu ku dhawaaqay xaalad qaran oo degdeg ah iyo bandow shaqeynaya habeenkii.
Tani ayaa timid ka dib markii uu xabsiga ka baxsaday Jose Adolfo Macias oo loo yaqaano “Fito”, oo ay dowladda wadankaasi Ecuador ku sheegtay shakhsi khatar wayn ku ah amniga maadaama uu hoggaamiyo burcadda Los Choneros.
Macias ayaa waxaa u socday xukun xabsi oo 34 sano ah oo horay loogu xukumay wuxuuna ku jiray xarunta asluubta ee magaala xeebeedda Guayaquil.