Waxaa lagu soo warramayaa in koox hubeysan ay weerar ku qaadday kolonyo baabuur ah oo ay leedahay qaramada midoobay oo marayay koonfurta bari ee dalka Colombia.
Dhacdadaasi ayaa lagu gubay labo gaari hasa ahaate ma jiro shaqaale ay waxyeello soo gaartay.
UN ayaa sheegtay in kolonyada baabuurta ah ay la socdeen shaqaalaha xafiiiska baniaadanimo ee (OCHA) iyo howlwadeeno ka tirsan golaha qaxootiga ee NRC.
Waxaa ay ku wajahnaayeen tuulada Guayabero si ay ula kulmaan bulshooyinka halkaasi ku nool.