Koox hubaysan oo sheekh caan ah ku dishay gobolka Mudug

0
687

Wararka ka imaanaya deegaanka Xero Jeelle ee gobolka Mudug bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Maanta ay koox Hubaysan Deegaankaas ku Dileen Sh Cali Axmed Faarax oo sh Cali Dheere loo yaqaanay kaasoo ahaa Maamulihii Machadka Iimaamu Nawaawi Qaybta Deegaanka Xaar-Xaar.
Dilka sheikhaan Ayaan ilaa iyo hada la ogayn sababta Keentay balse wararka khaar ee Warbaahinta Soomaaliya daabacday ayaa sheegaya in dilkiisa la xiriiro aanooyin qabiil oo todobaadyadii la soo dhaafay ka taagnaa deegaano gobolka Mudug ka tirsanaa.
Ciidanka Amaanka Magaalada Gaalkayo ayaa wada baaritaan la xiriira dalka wadaadka waxayna Maamulka Gobolka Mudug ee Galmudug oo dilkaas ka hadlay sheegeen inay Nasiib daro tahay in la dilo dadka wax galka u ah Bulshada.