Koox haween ah oo dibadbax ka dhigay magaalada Nairobi

0
433

Waxaa maanta magaalada Nairobi dibadbax ka dhigay koox haween ah, kuwaas oo kasoo horjeeda xadgudub lagula kacay haweeney darawalad ahayd.
Dibadbaxa oo ay horkacayeen xubnaha haweenka qareennada ah ee FIDA ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay mas’uuliyiinta hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty International, wakiillo matalayay ururka qareennada ee LSK,hoggaamiyaasha ardayda jaamacadaha iyo saraakiisha hay’adda United Nations Population Fund.
Mudaharaadka ayaa ka billowday beerta xurriyadda ee Uhuru Park ilaa iyo daarta Jogoo House waxayna dacwad cabasho ah u gudbiyeen abaanduulaha booliska Mr. Hillary Mutyambai si uu ugu xaqiijiyo in laga badbaadinayo qaab kasta oo xadgudub ah.
Madaxa fulinta ee xiriirka FIDA Anne Ireri ayaa sheegtay inay ku baaqeen in la soo dhiso guddi gaar ah oo qaabilsan xakameynta habdhaqanka wadayaasha mootooyinka.
Xiriirka haweenka qareennada ah ee (FIDA), ayaa dhankiisa sheegaya in dhacdooyin la mid ah midda gudaha wadanka si wayn looga hadal hayo la diiwaangeliyay tan iyo sanadkii 2019-kii.