Koox dabley ah ayaa weerar ku qaaday xerada qaybta adeegga guud ee ciidamada (GSU) ee ku taal Angata Barrikoi, ee ismaamulka Narok maalmo kadib markii taliyaha guud ee booliska dalka Douglas Kanja uu ku amray ciidamada inay ka baxaan xerada.
Sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen booliiska, dableyda oo soo jeeda deegaanka Gwetembe ee ismaamulka Migori, ayaa burburiyay dhismihii ciidamada iyagoo halkaas ka qaatey agabyo kala duwan.
Dhacdadan ayaa dhacday saacado kadib markii ay saraakiisha GSU-da isaga baxeen xeradaasi.
Weerarka ka dib,taliyaha booliska aagga Angata Barrikoi iyo kooxdiisa ayaa booqday goobta GSU-da ay ka baxeen.
Dhawaan ayay ahayd markii taliyaha guud ee ciidamada Booliska dalka Douglas Kanya uu faray in ciidamo cusub oo ka kooban dambi baarayaasha DCI-da iyo saraakiisha GSU-da la geeyo Angata Barakoi si ay u ilaaliyaan amaanka deegaanka.