Koox burcad ah oo macallin jaamacadeed ku dishay Muqdisho

0
277

Alle ha u Naxariistee waxaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dharkeenley lagu dilay mid ka mid ah Macallimiinta wax ka baro Jaamacadaha ku yaalla Magaalada caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyada oo dadka dilay ay baxsadeen.
Macallinka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Cusmaan Axmad Macow ayaa ka mid ahaa barayaasha Jaamacadda Horseed, waxaana la sheegay in rag Burcad ah oo ka dhacayay talefoonkiisa ay ku dileen Suuq yaraha degmada Dharkeenley.
Ragga Burcadda ah iyo Macallinka ayaa ka hor dilka la sheegay in uu dhexmaray muran taas oo keentay inay dilaan, iyaga oo ka qaatay talefoonkiisii iyo Agab kale oo uu watay.
Qaar ka mid ah ehelladiisa ayaa tegay goobta uu dilka ka dhacay, iyaga oo Goobta ka qaaday meydka, kaas oo la geeyay Xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID-da.
Laamaha Amniga iyo Maamulka degmada Dharkeenley ayaa weli ka hadlin dilkaas, waxaana uu ku soo beegmay xilli ay Muqdisho ku soo bateen Kooxo burcad ah oo dadka dilaya ka dibna dhac u geysanaya.