Koox 50 haween ah ku afduubatay Burkina Faso oo la baadigoobaya

0
409

Waxaa lagu soo warramayaa in koox hubeysan oo looga shakisan yahay inay fallaago tahay ay 50 haween ah ka afduubatay dalka Burkina Faso.
Ciidamada ammaanka ee dalkaasi ayaa haatan badigoobaya haweenka la afduubtay.
Falkan ayaa laga gaystay gobolka waqooyi ee Soum.
Dowladda Burkina Faso ayaa bayaan ku sheegtay in haweenkan la kaxeystay 12-kii iyo 13-kii bishan koowaad.