Koonfur Afrika oo dacwad ka dhan ah Israa’iil u gudbisay ICC

0
301

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dowladda wadankaasi ay maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da ay u gudbisay dacwad ay ku doonaysa in Israa’iil lagula xisaabtamo dembiyo dagaal oo ay ka gaysatay welina ka wado Qaza.
Ramaphosa ayaa sheegay in tallaabadan ay iska kaashanayaan Koonfur Afrika iyo dalal kale oo caalamka ku yaalla.
Waxaa uu sheegay inay aaminsan yihiin in Israa’iil ay gudaha Qaza ka gaysatay dembiyo dagaal iyo xasuuq ay tahay in lagula xisaabtamo.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in halkaasi lagu dilay kumanaan shacab ah iyadoo la burburiyay isbitaallo iyo kaabayaasha bulshada.
Xisbiga talada wadanka Koonfur Afrika haya ee ANC ayaa sheegay inuu taageeri doono mooshin baarlamaanka la hor geeyay.
Waxaa mooshinkaasi soo saaray xubnaha xisbiga mucaaradka ee EFF oo doonaya in la xiro safaaradda ay Israa’iil halkaasi ku leedahay sidoo kalena in xiriirka dibloomaasiyadeed loo jaro ilaa iyo inta ay ka oggolaanaysa in xabbad joojin ay ka dhaqan gasho Qaza.