Koimburi oo doonaya in xildhibaanada ay Afkooda Hooyo ku hadlaan xilliga doodaha barlamaanka

0
110

Xildhibaanka laga soo doortay deegaan barlamaaneedka Juja ee ismaamulka Kiambu, George Koimburi ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu soo bandhigo mooshin u oggolaanaya xildhibaanada inay ku doodaaan Afkooda Hooyo, isaga oo sheegay in tan ay kor u qaadi doonto sinnaanta iyo sharafka dhaqanka ee Golaha Shacabka.
Arrintan ayaa timid ka dib markii la sii daayay 22 xubnood oo ka tirsan kooxda Mihiriga Kenda Muiyuru, kuwaas oo saddex maalmood lagu hayay saldhigga booliiska Kibii ee deegaanka Juja.
Xubnahan ayaa lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen falal sharci darro ah oo ay ku jirto gudniinka gabdhaha, balse eedahaasi ma aysan helin caddeymo, waxaana lagu sii daayay dammaanad lacag la’aan ah iyada oo aan maxkamad la soo taagin.
Koimburi ayaa cambaareeyay xiritaanka xubnaha, isaga oo sheegay in xuquuqda kooxda ee caqiidada iyo dhaqanka lagu xadgudbay. Kooxa ayaa ah mid si sharci ah u diiwaangashan, sidaas darteed looma baahna in lagu dhibo dhaqankooda Agikuyu.
Xildhibaan Koimburi ayaa sidoo kale sheegay inuu sii wadi doono dadaallada uu ku doonayo in Barlamaanka uu dhaqanka si rasmi ah u aqoonsado taasoo ka mid ah qorshihiisa balaaran ee kor u qaadista dhaqankan.