KNUT oo baaq u dirtay TSC

0
375

Ururka qaran ee ay ku mideysan yihiin macalimiinta dalka ee KNUT ayaa ku booriyay guddiga adeega macalimiinta ee TSC in ay cadaalad iyo tixgalin ku sameeyaan hanaanka shaqo qorista ee macalimiinta dalka. Arrintan ayaa dhaba socotaa buuq ka dhashay dalacsiintii dhawaan lagu sameeyay 25,000 oo macalimiin ah.
Isagoo saxaafadda la hadlayay ayuu Xoghayaha Guud ee KNUT Collins Oyuu sheegay in guddiga looga baahan yahay inay mudnaanta siiyaan shaqaaleysiinta macallimiinta dhameystay waxbarashadooda kuliyada ka hor ardaydii dhawaan qalinjabisay.
Xoghayaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in bahda siyaasadda looga baahan yahay in ay ixtiraamaan madax banaanida guddiga oo uu xusay in ay ka gaabiyeen gudashada waajibaadkii loo igmaday, isla markaana ay ka fogaadaan in ay faraha la galaan macalimiinta dalka. Codsigan ayaa daba socday markii ay soo shaac baxday in Aqalka Madaxtooyada ee State House uu ku lug leeyahay in uu saameyn ku yeesho kor u qaadista iyo qorista macallimiinta, taasoo ka soo horjeeda shuruucda TSC u siinaya shaqada kaliya ee macallimiinta iyo maamulka.
Hadalka Oyuu ayaa imaanaya maalmo kadib markii ururka KNUT uu sidoo kale ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo 64 bilyan oo ka mid ah lacagta loo aruuriyay si loogu taageero qeybta waxbarashada ee dalka.
KNUT ayaa carabka ku dhufatay in dib u dhaca lacagahan uu caqabad weyn ku noqday madaxda iskuulada dalka in ay si habsami leh u maamulaan dugsiyada.
3-dii Maarso ee sanadkan ayuu Oyuu xusay in dib u dhaca uu yahay sababta koowaad ee madaxda dugsiyada qaarkood ay u doorteen inay ardayda u diraan guryahooda xitaa ka hor taariikhda rasmiga ah ee xiritaanka dugsiyada.