KNEC oo loogu baaqay inaynan dib dhigin lacagaha macallimiinta maareynaya imtixaannada

0
188

Ururka qaran ee macallimiinta ee (KNUT) ayaa golaha imtixaannada qaran ee (KNEC) ugu baaqay inuunan macallimiinta ilaalinaya ardayda sameynaya imtixaannada shahaaddiga ah iyo barayaasha sixi doono warqadaha imtixaanaadka ka daahin lacagaha loogu talagalay inay qaataan.
Xoghayaha Guud ee KNUT ,Collins Oyuu ayaa golaha KNEC ku eedeyay inuu muddo badan xilliga ku habboon macallimiintan siin qarashaadkooda.
Oyuu ayaa baaqan si gaar ah ugu diray madaxa fulinta ee golaha imtixaannada qaran ee KNEC David Njeng’ere .
Waxaa uu wacad ku maray in haddii aan baaqan la tixgelin in xaaladdu aynan sii ahaan doonin sidii hore.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay maalinkii labaad guud ahaan wadanka ka socdaan imtixaannada fasalka 8-aad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da iyo qiimeynta ardayda dhameeyay fasalka 6-aad ee Grade 6 ee KPSEA.