Golaha imtixaannada qaran ee KNEC ayaa war been abuur ah ku tilmaamay qoraal lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya in hadda ay rasmi tahay oo shaaca laga qaaday taariikhda lagu dhawaaqaya natiijada imtixaanka fasalka 4-aad ee dugsiyada sare ee KCSE-da.
Golaha KNEC ayaa si cad u sheegay in arrintaasi aan isaga laga soo xigan.
Waxaa uu intaasi ku daray in weli ay socoto saxidda warqadaha imtixaanka KCSE-da oo natiijada la shaacin doono marka ay diyaar noqoto.